Raila oo cambaareeyay afduubyo dhawaan dhacay

0
223

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa cambaareeyay falal afduub ah oo dhawaan dhallinyaro loogu gaystay gudaha waddanka.
Mr. Odinga ayaa dhacdooyinkan ku tilmaamay kuwo badowtinnimo ah oo xilligoodi laga soo gudbay.
Waxaa uu dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo afduubyada lagu bartilmaameedsado shakhsiyaadka sida uu hadalka u dhigay dowladda ku dhaliila baraha bulshada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay dhaawacaysa sumcadda Kenya ee horumarka ay ka gaartay dhinaca dimuqraadiyadda.
Mr. Odinga ayaa sheegay in loo baahan yahay in haddii uu qofku qalad sameeyay maxkamadda la soo taago si loola xisaabtamo balse aan loo baahnayn in muddo dheer lagu hayo meel aan la ogayn taasi oo walaac ku beertay waalidiinta da’yarta la waayay.