Madaxa arrimaha xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay Volker Turk ayaa sheegay in aan laga baaqsan karin in cudurro iyo macluul ay saameeyaan shacabka Qaza.
Xilli uu qaramada midoobay uga war bixinayay safarro uu ku tagay dalalka Masar iyo Jordan ayuu hoosta ka xarriiqay in Qaza ay ka jirto cunno yari,shidaal la’aan iyo gabaabsiga dhanka caafimaadka oo aad u baahsan.
Waxaa uu ka digay in gebi ahaanba ay joogsan karaan adeegyada biyaha ,nadaafadda iyo daryeelka caafimaad.
Waxaa uu intaasi ku daray inay u badan tahay inay dillaacaan cudurrada faafa.
Volker Turk ayaa dhanka kale sheegay inay kordheen weerarrada lagu hayo Falastiiniyiinta wuxuuna mar kale ku baaqay in Qaza ay ka dhaqan gasho xabbad joojin.