Qiimaha shidaalka oo la kordhiyay

0
436

Waxaa maanta gudaha dalka ka dhaqan galay isbeddel uu maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA ku sameeyay qiimaha lagu iibiyo noocyada kala duwan ee shidaalka.
Dib u eegista la sameeyay ayaa horseedday in qiimaha shidaalka lagu kordhiyo 5.50 shilin.
Ismaamulka Nairobi, halkii liitar ee shidaalka nooca Super petrol waxaa lagu iibinayaa 150.12 oo shilin, naaftada halkii liitar waa 131.00 halka Kerosene lagu kala iibsanaya 118.94 shilin liitarkii.
Dowlad deegaanka Kisumu, halkii liitar ee batroolka waxaa lagu iibinayaa 150.53 shilin, naaftada waa 131.70 shilin liitarkii halka kerosene uu yahay 119.66.
Ismaamulka Mombasa, liitarkii batroolka waxaa lagu iibinaya 147.86 shilin, naaftada waa 128.76 halka baansiinka ama kerosene uu yahay 116.69 shilin liitarkii.
Maamulka EPRA ayaa intaasi ku daray in qiimahan ay qayb ka tahay canshuurta dakhliga ee VAT boqolkiiba 8 sida ku qeexan xeerka maaliyadeed ee Finance Act 2018 iyo sharciyada kale.
Kororka ayaa loo aaneeyay inuu sare u kacay qiimaha shidaalka looga soo dejiyo dalka dibaddiisa.