Qaybta militariga ee Xamaas oo sheegatay mas’uuliyadda weerar Israa’iil ciidamo looga dilay

0
409

Qaybta militariga ee ururka Xamaas ee dalka Falastiin ee loo yaqaano Qassam Brigades ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar laga gaystay bartamaha xerada qaxootiga ee Jabalia oo ka tirsan Waqooyiga Qaza.
Waxay sheegeen in ay bartilmaameedsigaasi ku dileen sidoo kalena ku dhaawaceen qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida ee Israa’iil.
Waxay intaasi ku dareen in dagaalyahaanadooda ay qarxiyeen agab ka dhan ah howlwadeennada militariga.
Militariga Israa’iil ayaa weerarro ka gaysanayay xeradaasi Jabalia iyadoo labada dhinacba ay sheegayaan in dagaal uu socdo.