Qareen ka howlgala magaalada Nairobi ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday KSh49.4 milyan, lacag uu macmiil u dhiibay si loogu iibsado dhul ku yaalla caasimadda dalka.
Qareenka oo lagu magacaabo Ally Ahmed Ally ayaa waxaa xiray baarayaal ka tirsan Waaxda Dambi-baarista (DCI) ee ismaamulka Nairobi, gaar ahaan Kilimani, waxaana laga baarayaa eedda la xiriirta lunsashada hanti uu wakiil ahaan loogu aaminay.
Sida ay sheegeen baarayaashu, Ally Ahmed Ally oo ka tirsan shirkadda qareennada ee Rasheed Rage and Nassir Advocates, ayaa lagu tuhunsan yahay inuu si sharci darro ah u isticmaalay lacag dhan KSh49,400,500 oo macmiil u wareejiyay si loogu dhammeystiro heshiis iibsi dhul.
DCI ayaa sheegtay in lacagta loo gudbiyay qareenka xilliyo kala duwan intii u dhexeysay 16-ka Nofeembar 2023 iyo 3-da Janaayo 2024, iyadoo lagu heshiiyay in loogu isticmaalo iibka dhulka.
Si kastaba ha ahaatee, baaritaanka ayaa muujinaya in halkii uu dhammayn lahaa heshiiska dhulka, qareenku uu lacagta u leexiyay danihiisa gaarka ah.
Eedeysanaha ayaa hadda ku jira xabsiga booliska, iyadoo baarayaashu ay dhammaystirayaan habraacyada sharciga ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.
Waxaa la filayaa inuu wajaho dacwad ku saabsan lunsashada hanti uu wakiil ahaan u hayay, sida uu dhigayo Qodobka 283(b) ee Xeerka Ciqaabta Kenya.
Home Wararka Kenya Qareen ka hawlgala Nairobi oo Loo Xiray Eedeymo La Xiriira Musuqmaasuq Lacageed...




