Qaramada Midoobay oo ka digtay in carruur badan ay macluul ugu dhiman karaan Qaza

0
183

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka ubadka ee UNICEF ayaa digniin ka soo saartay xaaladda ka taagan Qaza.
Waxay hay’addu sheegtay in aad looga cabsi qabo in carruur badan ay halkaasi macluul awgeed ugu geeriyoodaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo waddamo dhowr ah oo ku yaalla qaaradda Yurub ay ku baaqayaan in xabbad joojin degdeg ah ay ka dhaqan gasho Qaza.
Sidoo kale waxaa isa soo taraya digniinnada laga soo saaraya duullaanka dhanka dhulka ee ay Israa’iil ku hanjabtay in ay ka fulinaysa magaalada Rafah.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii waxaa duqeymaha ay Israa’iil weli ka gaysanaysa Qaza lagu dilay ugu yaraan 29,092 qof oo Falastiiniyiin ah halka 69,028 kalena lagu dhaawacay.