DHAGEYSO:Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya oo beeniyay in ay joojiyeen duulimaadyadii gudaha

0
300

Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee dalka Soomaaliya ayaa beeniyay inaysan qayb ka ahayn joojinta duulimaadyada gobollada dalkaaasi.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa ka dib markii ururka diyaaradaha uu sheegay in maanta oo Axad ah aysan jirin wax diyaarad ah oo ka bixi karta magaalada Muqdisho islamarkaana u kici kartaa gobollada dalkaasi.
Waxaa ay sheegayaan in arrintaasi iyo go’aanka uusan ahayn mid loo dhan yahay oo ay maanta sameyn doonan duulimaadyadoodii caadiga ahaa.
Xubno ka mid ah maamulka shirkadaha diyaaradaha oo warbaahinta la hadlay ayaa ku wargeliyay hay’aada duulista rayidka ah arrintan.
Mukhtar Xaamud oo ku hadlayay afka qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa sida tan yiri.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here