Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in kastoo reer galbeedka ay dalkiisa ku soo rogeen xariyaado maaliyadeed haddana inaysan ka soo gaarin saameyn dhaqaale.
Waxaa uu xusay in xukuumadda Moscow ay haysato kheyraadka maaliyadeed ee ay u baahan tahay si ay u xaqiijiso amnigeeda iyo horumarkeeda qaran.
Putin ayaa intaasi ku daray in Ruushka uu la shaqeynaya dalal kale si loo soo dhiso nidaamyo cusub oo lacagta lagu bixiyo iyo kaabayaal lacageed.