Puntland:Hubka lagu qabtay Galgaduud waa naiitjada qaadista cunaqabataynta hubka Soomaaliya ee lagu degdegay

0
518

Maamu goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay in hubkii shalay lagu qabtay deegaanka Shiilo Madow ee gobolka Galgaduud uu khatar weyn ku yahay xasiloonida Gobolka iyo Nabadda Soomaalida dhexdeeda.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi faarax Saciid Juxa ayaa sheegay, in hubkan sharci darrada ah ee lagu qabtay gobolka Galgaduud inuu qayb ka yahay natiijada ka dhalatay qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay ahayd tallaabo lagu degdagay.
Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay doonayso inay dagaalo sokeeye ka curiso maamullada Puntland iyo Galmudug, isagoo sheegay ujeeddada laga leeyahay in ay tahay si aan doorasho iyo isla xisaabtan looga hadlin muddo kororsina uu u helo madaxweyne Xasan Sheekh.
Puntland ayaa horay u sheegtay in labada sano ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka hayo, inay sii kordheen colaadda beelaha dhexdooda ah iyo kala aamin baxa qabaaillada wada deggan.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax jawaab ah kama bixin dhacdada hubka la sheegay in laga keenay dalka Itoobiya, iyo eedeymaha loo jeedinayo ee ku saabsan in ciidamada NISA ay ku lug lahaayeen hubkan gudbintiisa.