Paul Mackenzie iyo eedeysanayaasha kale oo xabsi ku sii jiri doono muddo bil ah

0
242

Waxaa muddo dheeraad oo bil ah xabsiga ku sii jiri doono eedeysanayaasha uu hoggaaminaya baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi Paul Mackenzie ee lala xiriirinaya meydadka lagu arkay keynta Shakahola ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa go’aankan soo saaray garsooraha sare ee maxkamadda Shanzu, Yuusuf Shikanda.
Hasa ahaate wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaska baadariga, Rhoda Maweu ay xurriyadeeda dib u heshay ka dib markii saraakiisha waaxda dacwad oogidda aynan soo bandhigin caddeyn wax ku ool ah oo loo cuskan karo eedeymihii loo haystay.
Eedeysanayaasha kiiskan ayay tiradoodu tahay 30 balse 11 ka mid ah ayaa xabsiyada ku jiri doono saddex cishe.
Paul Mackenzie ayaa ku eedeysan in dad taabacsanaa kaniisadiisa uu ka dhaadhiciyay inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan si ay ula kulmaan nabi Ciise taasoo ay u geeriyoodeen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo saraakiisha ammaanka ee dowladda dhexe ay sare u sii qaadeen baaritaannada ku aaddan sida in ka badan 300 oo qof ay halkaasi ugu geeriyoodeen iyagoo lagu aasay xabaal wadareedyo.