Oxfam oo Israa’iil ku eedeysay inay hor istaagaysa in gargaar la geeyo Qaza

0
140

Hay’adda aan dowliga ahayn ee samafalka ee Oxfam ayaa Israa’iil ku eedeysay in ay si ulakac ah u hor istaagaysa in gargaar loo fidiyo shacabka ku dhibaateysan Qaza.
Arrinkan ayay hay’addu shaaca uga qaadday warbixin ay soo saartay oo ku saabsanayd in Qaza laga gaysanaya dhibaateyn iyo burburin aan horay loo arag.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo walaac laga muujinaya gabaabsi dhanka adeegyada biyaha, cuntada iyo daawooyinka ah oo ka jira Qaza.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ayaa laga soo xigtay in halkaasi ay macluul saameyn karto bisha Shanaad ee sanadkan.