Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa sheegay inuu ku howlan yahay sidii loo dejin lahaa nidaam lagu maareynaya wadidda basaska dugsiyada iyo baabuurta xamuulka culus qaada.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday agaasimaha guud ee NTSA ,George Njao ka dib kulan uu la yeeshay baabuurleyda.
Mas’uulkan ayaa xusay in ay dantu keentay in dib u eegis lagu sameeyo xeerar markii ugu dambeysay la cusbooneysiiyay sanadkii 2017-kii maadaama ay kordheen shilalka waddooyinka ee saameeya basaska ardayda qaada iyo gawaarida xamuulka.
Isbeddellada waxaa ka mid ah in dugsi kasta uu baskiisa lahaado midib gaar ah oo lagu aqoonsan karo , in la jaangooyo xilliyada ay shaqeyn karaan basaska dugsiyada sidoo kalena si dhow loola socdo darawaliinta ardaydan geynaya meelaha kala duwan.
Dhanka baabuurta xamuulka waxaa la eegi doonaa gawaarida sida waxyaabaha khatarta ah sida shidaalka si looga hor tago qaraxyada gaaska ee la soo tabiyo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo intii u dhexeysay bishii Koowaad ilaa 20-kii bishii hore ee sanadkan ay dhacdooyinka shilalka ee wadanka kordheen boqolkiiba 7.
Waxaa muddadan gudaheeda la diiwaangeliyay in 1,026 qof ay shilal ku dhinteen guud ahaan wadanka.