Hay’adda Qaranka ee Gaadiidka iyo Badbaadada Waddooyinka Kenya (NTSA) ayaa la wareegtay 13 gaari oo marayay waddada Southern Bypass ee magaalada Nairobi, kaddib howlgal habeenkii la sameeyay oo lagu baarayay u hoggaansanaanta shuruucda gaadiidka iyo badbaadada waddooyinka.
NTSA ayaa sheegtay in koox ka kooban hay’ado kala duwan ay gaadiidkaasi gacanta ku dhigeen kaddib markii ay ogaadeen xadgudubyo dhowr ah oo la xiriira darawallada iyo xaaladda gaadiidkooda.
Xadgudubyada la diiwaangeliyay waxaa ka mid ahaa wadista gaari iyadoo darawalku khamri cabsan yahay, isticmaalka leesinka darawalnimada oo dhacay, waraaqaha baaritaanka gaadiidka oo waqtigoodu dhammaaday iyo wadista gaari aan lahayn caymis sharci ah.
Waxaa sidoo kale la ogaaday gaadiid ku shaqeynayay si ka hor imaanaysa shuruudaha caymiskooda, nalalka hore oo xumaaday iyo muraayadaha hore ee baabuurta oo dildillaacsanaa.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah ololaha NTSA ee Msimu Bila Ajali, Usalama Barabarani, oo macnihiisu yahay xilli aan shilal lahayn iyo badbaadada waddooyinka.
Ololahan ayaa hay’addu la kaashanaysaa hay’adaha fulinta sharciga, waxaana ujeeddadiisu tahay in la yareeyo dhaqamada khatarta ku ah waddooyinka lagana hortago dhimashada ka dhalata shilalka gaadiidka.
Ololaha waxaa ku jira wacyigelinta darawallada iyo rakaabka, iyo sidoo kale baaritaanno badbaado oo la sameeyo maalintii iyo habeenkii, gaar ahaan waddooyinka waaweyn.
NTSA ayaa sheegtay in baaritaannada habeenkii mudnaan gaar ah la siiyay, maadaama fiidkii iyo saacadaha dambe ee habeenku yihiin waqtiyo ay sareyaan khatarta shilalka.
Sidaas darteed, hay’addu waxay kordhisay dadaallada lagu ogaanayo laguna joojinayo dhaqamada halista ah ee darawallada.
Baaritaannada ayaa sidoo kale lagu hubiyaa in darawalladu u hoggaansamaan xaddidaadaha xawaaraha, in qalabka xaddida xawaaraha ee gaadiidku shaqeynayo iyo in qalabkaasi si joogto ah xog ugu gudbinayo Nidaamka Casriga ah ee Maareynta Badbaadada Waddooyinka ee (IRSMS).
Gaadiidka dadweynaha, gaar ahaan kuwa rakaabka qaada, waxaa laga hubiyaa liisaska rakaabka, diiwaannada darawallada, u hoggaansanaanta waddooyinka loo oggolaaday inay maraan, ruqsadaha adeegga waddooyinka iyo ansaxnimada waraaqaha baaritaanka gaadiidka iyo leesinnada darawallada.
Hay’addu waxay sidoo kale hubisaa in gaadiidku aanu qaadin rakaab ka badan inta loo oggol yahay iyo in xamuulku aanu dhaafin xadka sharcigu dhigayo.
Rakaabka ayaa lagu boorriyay inay suunka badbaadada xirtaan inta safarkoodu ku guda jiraan.
Darawallada safraya habeenkii ayaa sidoo kale lagula taliyay inay yareeyaan xawaaraha, ilaaliyaan masaafada u dhexeysa gaadiidka isla markaana feejignaadaan, maadaama mugdigu hoos u dhigo aragtida waddada.
Howlgalkan ugu dambeeyay ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee NTSA ay ku xoojinayso fulinta shuruucda badbaadada waddooyinka, iyadoo adeegsanaysa baaritaanno gaar ah iyo ololaha wacyigelinta dadweynaha.
NTSA ayaa sidoo kale uga digtay darawallada farriimaha been abuurka ah ee sheeganaya inay ka yimaadeen hay’adda.
Waxay caddeysay in ogeysiisyada rasmiga ah ee la xiriira xadgudubyada xawaaraha lagu soo diro magaca NTSA qaab fariin gaaban ah, iyadoo shacabka ku boorrisay inay soo sheegaan farriimaha shakiga leh ee laga soo diro lambarro kale.




