NPS oo soo dhisaysa xafiis qaabilsan arrimaha saraakiisha qabo baahiyaha gaarka ah

0
524

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa soo bandhigay qorshe lagu dhisayo xafiis gaar ah oo daboola baahiyaha saraakiisha naafada ah.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa arrintan ku dhawaaqay intii lagu guda jiray xuska maalinta caalamiga ee wadajirka aadanaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay ka go’an tahay daryeelka howlwadeennada.
Xafiiska gaarka ah oo la hoos gaynaya xafiiska taliyaha guud ee booliiska Kenya ayaa ka shaqeeyn doona daryeelka saraakiisha ammaanka ee qabo baahiyaha kala duwan.
Tani ayaa ah mid la jaanqaadeysa qorshaha istaraatiijiga ee adeegga qaran ee booliiska ee NPS ee (2023-2027) si loo abuuro jawi shaqo oo loo dhan yahay kaasi oo taageeraya cid kasta.
Adeegga qaran ee NPS ayaa 14 milyan oo shilin ka helay shirkadda Kenya Reinsurance Corporation si ay ciidamada qabo baahiyaha gaarka ah uga caawiso helidda agabka muhiimka ah.
Xafiiska ayaa sidoo kale u doodi doonaa fursadaha siman ee tixgelinta dallacsiinta, hubinta in dhammaan saraakiisha ay horumari karaan .
13-kii bishii hore ayay ahayd markii adeegga qaran ee booliiska uu billaabay barnaamijka taageerada maskaxeed ee saraakiisha ammaanka iyada oo lala kaashanayo Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika waxaana diiradda lagu saaray wacyigelinta caafimaadka dhimirka iyo yareynta faquuqa.