Ninkii dilay weriye Cabdikariin Axmad Bulxan oo Caabudwaaq lagu qisaasay

0
287

Magaalada Caabudwaaq waxaa maanta dil toogasho ah lagu fuliyay Cabdixakiin Axmad Cigaal oo ahaa ninkii dilka u gaystay weriye Cabdikariiin Axmad Bulxan 13-kii bishan.
Dilka Cabdixakiin ayaa ahaa qisaastii weriyaha, iyadoo 26-kii bishan uu Cabdixakiin Axmad Cigaal qirtay dilka uu gaystay, iyadoo maxkamadda gobolka Galgaduud ay xukun dil toogasho ah ku ridday.
Toogashada oo maanta ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Caabudwaaq ayaa waxaa isugu soo baxay dadka degmada.
Fadhiga Maxkamadda oo dhagaysatay kiiskaas 26-kii bishan ayaa ninka ku eedeysnaa dilka oo maxkamaddu u oggolaatay inuu hadal jeediyo waxaa uu si dareen leh u gudbiyay farriintan, “Cabdikariin Axmad Bulxan eeddiisa la igu soo eedeyay, dilkiisa waa gaystay, si kas ah ayaan u gaystay, Cabdikariin Axmad Bulxan Alle aniga ayuu igu sababay, waxaan diyaar u ahay in dunuubtiisii layga gudo baan diyaar u ahay oo maxkamadda ka codsanayaa oo sharciga lay waafajiyo,” ayuu yiri Cabdixakiin