Nin isku gubay afaafka hore ee safaaradda Israa’iil ay ku leedahay Maraykanka oo geeriyooday

0
178

Waaxda gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsanaa militariga dalka Mareykanka oo isku gubay afaafka hore ee safaaradda Israa’iil ee magaalada Washington uu geeriyooday.
Waxaa uu u geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaaray falka uu isku gubay.
Falkaan ayaa u muuqday mid mudaaharaad ah oo looga soo horjeedo dagaalka ba’an ee Israa’iil ku hayso Gaza.
Sarkaalka is gubay ayaa cadeeyay inuusan qeyb ka ahaan doonin Xasuuqa ay Israa’iil ka wado Falastiin waxaana lagu magacaabi jiray Aaron Bushnell, oo 25 jir ah.