Nin gabadh 13 sano jir ah faraxumeeyay oo la xiray 13 sano

0
207

Waxaa xukun xabsi oo 13 sano ah lagu riday nin ku eedeysan inuu faraxumeeyay gabadh ay da’deedu tahay 13 sano oo ay hooyadeed wada joogaan.
Waxaa go’aankan soo saartay maxkamadda magaalada Nanyuki .
Waaxda dacwad oogidda dalka ee ODPP ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in eedeysanaha uu faraxumeynta gaystay intii u dhexeysay bishii 6-aad ee sanadkii hore ilaa iyo bishii Sagaalaad.
Qareenka matalaya waaxdan, Maina Kimaru ayaa maxkamadda u soo bandhigay 5 marqaatiyaal oo eedeysanaha ku cadeeyay dembiga loo haysto.
Waxaa maxkamadda loo sheegay in ninkan uu gabadha daroogo siiyay ka hor inta uunan ku xadgudbin.
Garsoore sare Ben Mararo ayaa sheegay in waaxda dacwad oogidda ay soo bandhigtay caddeymo wax ku ool ah oo uu tuhmanaha ku muteystay xukun xabsi oo 13 sano ah.