Nin askari dhibaateeyay oo dacwad lagu soo oogay

0
251

Waxaa dacwad lagu soo oogay nin loo haysto inuu sarkaal booliis ah ismaamulka Nairobi ugu gaystay xadgudub isugu jiro aflagaado iyo waxyeello jireed.
Askariga ayaa xilligaasi ka howlgalayay deegaanka Roysambu.
Erick Ochieng ayaa ku eedeysan inuu fal dambiyeedkan gaystay 8-dii bishan.
Waxaa uu dhibaateeyay Peter Karanja ka dib markii uu u sheegay in aan la dhameystirin baaritaano la xiriira cabasho uu horay u gudbiyay.
Balse eedeysanaha ayaa sarkaalka ka hor istaagay inuu xafiiska ka baxo isagoo dhaawac gaarsiiyay.
Tuhmanaha ayaa ka soo hormuuqday maxkamadda Makadara.
Waxaa uu iska fogeeyay eedeymaha ka dhanka ah ee ay hor dhigtay garsoore Irene Gichobi.
Maxkamadda ayaa intaasi ka dib ku siidaysay damaanad lacageed oo dhan 40,000.
Kiiskan ayay maxkamaddu mar kale soo qaadi doontaa 28-ka bisha 11-aad ee sanadkan.