Nin 11 sano ka hor loo xiray inuu iska dhigay taliye booliis oo la siidaayay

0
217

Maxkamadda magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ayaa xabsiga ka siidaysay Joshua Waiganjo.
Ninkan ayaa la qabtay sanadkii 2013-kii xilligaasi oo uu sheeganayay inuu yahay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska dalka.
Waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriiray inuu dhac gaystay isagoo awood adeegsanaya , inuu si sharco darro ah ku helay dareeska booliiska iyo sheegashada ka mid ahaanshaha ciidamada ammaanka.
Waiganjo ayaa gacanta lagu dhigay ka dib markii la ogaaday inuu amarro siiyay qaar ka mid ah askarta wadanka ee Rift Valley iyo Nairobi isagoo iska dhigaya taliye booliis.
Hasa ahaate garsooraha sare ee maxkamadda Naivasha Nathan Lutta ayaa sheegay in Waiganjo u uxor yahay maadaama qaar ka mid ah marqaatida ay ku guul dareysteen inay maxkamadda ka soo hormuuqdaan halka aan la soo bandhigin caddeymo isaga ka dhan ah oo horay loo cuskanayay.