Netanyahu oo ka hadlay duullaanka ay ku qaadayaan Rafah

0
240

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in marka ay ku duulaan magaalada Rafah ee Koonfurta dalka Falastiin aynan xannibi doonin dadka rayidka ah.
Waxay magaaladaasi hooy u tahay in ka badan hal milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa uu Netanyahu sheegay in shacabka Rafah loo fududeyn doono in ay halkaasi iskaga baxaan.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli isaga iyo hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ay si wadajir ah shir jaraaid ugu qabteen Quddus.