Natiijada KCPE oo la shaacin doono 28-ka bishan

0
481

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in 28-ka ama 29-ka bishan ee toddobaadka soo socdo shaaca laga qaadi doono natiijada imtixaanka fasalka Siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in maanta natiijada imtixaanka lagu dhawaaqo.
Imtixaankan oo ah sanad-dugsiyeedkii 2021-ka ayay ardayda u fariisteen intii u dhexeysay 7-dii ilaa 9-kii bishan.
Wasiir Magoha oo xilli uu maanta warbaahinta kula hadlay xaafadda Kibera ee magaalada Nairobi, ayuu sheegay in go’aankan uu salka ku hayo talada madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu intaasi ku daray in saxidda warqadaha ay ardayda uga jawaabeen su’aalaha la soo gabagabeeyay.
Imtixaankan ayaa waxaa sameeyay arday dhan 1.2 milyan oo ku sugnaa 28,248 xarumood guud ahaan wadanka.
Waxaa imtixaanka kormeerayay 242,406 ah macallimiin uu u xilsaaray guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Ardayda imtixaanka ku guulaysta ayaa lagu wadaa inay bisha Shanaad ee sanadkan ku biiraan fasalka koowaad ee dugsiyada sare.