Musuqmaasuq saameeyay waaxyaha biyaha ee ismaamullada

0
231

Warbixin uu soo saaray xafiiska hanti dhowraha qaranka ayaa muujinaysa in musuqmaasuq baahsan , habdhaqan xumo iyo maamul xumo ay saameeyeen waaxyaha bixiya adeegyada biyaha iyo nadaafadda ee ismaamullada wadanka.
Warbixinta oo lala wadaagay guddiga maalgashiga ee aqalka sare ayaa lagu sheegay in kastoo adeegyada biyaha ay yihiin kuwo la daadajiyay haddana in maareynta adeegyadan ay weli gacanta ku hayaan shirkado gaar ah.
Tani ayaa in badan oo kenyaanka ka mid ah ka hor istaagtay inay biyaha ku helaan qiimo ay awoodaan.
Warbixinta waxaa ku cad in shirkadahan oo kaashanaya qaar ka mid ah shaqaalaha dowlad deegaannada , ay ismaamullada ka lunsadeen dakhli qiimo ahaan dhan 47 bilyan oo shilin.
Ismaamullada ay dhibaatooyinkan ka dhex jiraan waxaa ka mid ah Wajeer, Murang’a, Nairobi iyo Taita Taveta .
Shirkadda biyaha iyo bullaacadaha ee ismaamulka Wajeer ayaa lagu eedeyay inay baal martay habraaca shaqaaleysiinta oo ay si aan nidaam ahayn ku howlgelisay 521 qof.
Guddiga maalgashiga ee aqalka sare ayaa doonaya in guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC uu baaritaano ku sameeyo qaabka shaqaaleysiinta ee shirkadda WAJWASCO.
Ismaamulka Murang’a, 4 ka mid ah 5-ta shirkadood ee biyaha iyo faya dhowrka waxaa iska leh shirkado gaar ah.