Bulshada muslimiinta ee caalamka ku nool ayaa maanta u dabbaal degaya maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.
Dadweynaha ayaa isugu soo baxay fagaarooyin kala duwan oo ku yaalla magaalooyinka ay ku sugan yihiin si ay halkaasi ugu tukadaan salaadda ciidda ka dibna ay dib ugu laabtaan guriyahooda si ay u udxiyeystaan.
Ciidda sanadkan ayaa ku soo aadaysa iyadoo gudaha wadanka laga dareemaya culeys nololeed oo bisha soo socotana la filaya inay kordhaan qiimaha badeecooyinka maadaama canshuurtii laga qaadayay shidaalka oo horay ahayd boqolkiiba 8 laga dhigay boqolkiiba 16.