Musharaxa duqa magaalada New York Zohran Mamdani ayaa jeediyay khudbad qiiro leh oo uu kaga hadlayay “weeraro cunsurinimo ah oo aan sal iyo raad lahayn” oo ka imanayay dadka ka soo horjeeda, maalin ka hor inta aan la bilaabin codbixinta hore ee tartanka la saadaalinayo inuu ku guuleysan doono.
Isagoo ka hadlayay bannaanka masaajid ku yaal Bronx Jimcihii, Mamdani wuxuu dhaleeceeyay dadka ka soo horjeeda inay “nacayb soo bandhigeen”, isagoo xusay in nacaybkooda Islaamigu uusan kaliya saameyn ku yeelanayn isaga oo ah musharraxa Dimuqraadiga ee duqa magaalada laakiin sidoo kale uu saameyn ku yeeshay ku dhawaad hal milyan oo Muslimiin ah oo ku nool New York.




