Musalia Mudavadi oo gaaray dalka Maraykanka

0
173

Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Musalia Mudavadi ayaa shaaciyay inuu gaaray caasimadda Washington DC ee dalka Maraykanka.
Mudavadi ayaa qoraal uu soo dhigay barahiisa rasmiga ee Facebook-ga iyo X ku sheegay inuu halkaasi ku joogi doona booqasho rasmi oo saddex cishe ah.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu la kulmi doono xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.
Mudavadi ayaa sheegay inuu ka qaybgeli doona wada xaajoodyada ku saabsan iskaashiga istiraatijiyadeed ee ganacsiga iyo maalgashiga ee Kenya iyo Maraykanka.
Safarka Mudavadi ee Maraykanka ayaa ku soo beegmay iyadoo madaxweynaha dalka William Ruto uu ku sugan yahay magaalada Rome halkaas oo uga qayb galayo shirka Talyaaniga iyo Afrika.