Wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen ayaa u xaqiijiyay qaranka in Kenya ay si buuxda ugu diyaar garoobayso martigelinta tartanka CHAN ee sanadka 2025-ka, iyada oo si adag loo diyaariyay qabanqaabada amniga si loo dammaanad qaado badqabka kooxaha, saraakiisha iyo taageerayaasha.
Isagoo hadlay ka dib kormeer uu ku tagay garoomada Kasarani iyo Nyayo oo uu weheliyo Wasiirka Ciyaaraha Salim Mvurya, Murkomen ayaa sheegay in dowladda ay hirgalisay tillaabooyin amni oo dhameystiran iyadoo dalka uu isku diyaarinayo soo dhaweynta kooxo ka socda in ka badan 18 waddan oo Afrikaan ah.
Waxaa uu xaqiijiyey in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay qaaday dadaallo badan oo dhinaca ammaanka ah oo ay ka mid yihiin, in dhammaan garoommada lagu rakibo kaamirooyinka CCTV ee casriga ah, la xakameeyey goobaha laga galo si loo maareeyo qulqulka dadka, kooxaha gurmadka degdegga ah oo heegan ku jira, iyo kor u qaadista joogitaanka ciidammada ammaanka ee goobaha muhiimka ah.
Amniga ka sokow, waxaa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay si dhow ula kaashatay hay’adaha socdaalka si loo habeeyo fiisaha iyo ilaalinta xuduudaha, si habsami leh loogu soo galo wufuudda caalamiga ah iyo martida CHAN.
Wasiir Murkomen ayaa ku booriyay Kenyaanka inay si wanaagsan ugu soo baxaan tartanka ayna gacan ka geystaan kor u qaadista muuqaalka wanaagsan ee dalka.




