Munaasabad lagu xusuusanayey booliiskii iyo saraakiishii asluubta ee geeriyooday oo la qabtay

0
128

Adeegga qaran ee booliiska ee (NPS) iyo adeegga asluubta ee Kenya ee (KPS) ayaa sanadkii 7-aad qabtay munaasabad lagu xusuusanayey ciidamadii geeriyooday iyagoo dalka u adeegaya.
Xafladdan ayaa ka qabsoontay machadka qaran ee booliiska ee Embakasi ee magaalada Nairobi.
Adeegga NPS ayaa bayaan ku sheegay in la xusayey sidii ay saraakiisha booliiska iyo waaxda asluubta ee geeriyooday ay naftooda ugu hureen qarankooda.
Taliyaha Guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja oo munaasabadda marti sharaf ka ahaa ayaa hoosta ka xarriiqay in ay muhiim tahay in la sharfo geesiyaashii kaalinta ka soo qaatay xaqiijinta nabadgalyada iyo xasilloonida Kenya.
Waxaa uu qoysaskii ay ka baxeen saraakiishan u xaqiijiyey in ay heli doonaan taageero joogto ah isagoo dhanka kale u mahadceliyay saaxiibbada arrinkan kala shaqeeya laamaha ammaanka ee dalka.