Mudavadi oo kenyaanka ku boorriyay inay u dulqaataan xaaladda dhaqaale

0
209

Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Musalia Mudavadi ayaa shacabka kenyaanka ah ku boorriyay inay dulqaataan inta dowladda dhexe ay ka xallinaysa xaaladaha dhaqaale ee jira.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha dalka William Ruto uu qaadaya tallaabooyin lagula tacaalaya culeysyada nololeed ee jira.
Mudavadi ayaa carrabka ku adkeeyay in uunan jirin qof aan la socon xaaladda taagan balse dulqaad loo baahan yahay.
Xilli uu maanta ku sugnaa deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya ayuu sheegay in rajadu aynan xumeyn oo laga gudbi doono caqabadaha wadanka hadda ka taagan.