Mudavadi oo ka digay in Raila laga carqaladeeyo inuu ku guulaysto xilka AU-da

0
173

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa siyaasiyiinta uga digay jeedinta hadallo aan laga fiirsan oo wax u dhimi karo ololaha uu madaxa mucaaradka ee Azimio Raila Odinga ugu jiro la wareegidda xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AU-da.
Mudavadi ayaa sheegay in siyaasiyiinta laga doonayo in aynan arrinkan fududeysan oo ay danta qaranka wax kasta ka horumariyaan.
Waxaa uu madaxda ku boorriyay in aynan jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u arag mid uu Raila keligiis u loollamaya balse ay Kenya doonaysa inay ku guulaysato maadaama ay xubin ka tahay AU-da.