Mudavadi oo baaq u diray macallimiinta

0
362

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa barayaasha ku boorriyay in ay xalliyaan dhibaatooyinka ugu waawayn ee saameynaya waxbarashada.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay isku dhacyada , isbeddelka cimillada iyo saameynta tiknolojiyadda.
Mudavadi ayaa hoosta ka xarriiqay in isku dhacyada ka socdo gobolka Sahel ay horseedeen in qiyaastii 100 milyan oo arday ah aynan dugsiyada dhigan.
Waxaa uu mas’uuliyiinta saaxadda waxbarashada kula taliyay in ay la yimaadaan fikrado hal-abuur ku saleysan oo xal u noqon karo la tacaalidda caqabadaha caalamiga ah.
Arrintan ayuu ka sheegay furitaanka shirweynaha caalamiga ee xiriirka caalamiga ee maamulayaasha dugsiyada ee (ICP) ee sanadkan.