Musharrxiinta Mucaaridka ah ee u tartameysa xilka Madaxweynaha maamaamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa aragti midaysan ku go’aamiyay in doorashada 2024 lagu galo 49 xildhibaan ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe.
War-saxaafadeed ka soo baxay Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay inay kalsoonida kala laabteen guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland.
Musharrixiinta Mucaaridka ah ayaa isku raacay in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan 2024 laguna galo 49 xildhibaan maadaama SSC-Khaatumo ka baxda Puntland sida War-saxaafadeedka lagu sheegay.
Dallada Musharrixiinta Mucaaridka puntland oo ka kooban 15 xubnood ayaa sidoo kale uga digay Madaxweyne Deni iyo guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamanka inay sii wadan Hawsha doorashada aan heshiis lagu ahayn.
Dhanka Ciidanka Booliska maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay qoys u dhashay dalka Suuriya oo ku eedaysan inay dahab ka dhaceen magaalada Muqdisho
Booliska Gobolka Karkaar ay Puntland u taqaanooo kaashanaya Waaxda denbi-baarista u qaabilsan Booliska ee C.I.D ayaa gacanta ku dhigay qoyskan oo ku eedaysan inay dhaceen 940 garaam oo dahab ah.
Magacyada qoyska oo ka kooban 4 xubnood ayaa sida Boolisku sheegay kala; Abdikarin Axmed Almuhamed, Jamiila Qasim Yuusuf, Abdalla Abdikariim Axmed iyo Malay Abdikarim Ahmed.
Home Wararka Soomaaliya Mucaraadka Puntland oo sheegay inay kalsoonida kala noqdeen gudiga doorashada