Madaxweynaha Soomaaliya oo Jabuuti u anbabaxay

0
198

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee caasimada Jamhuuriyadda Djibouti.
Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa lagu sheegya sii ambaqaadka dadaalka wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Soomaaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka aloosan deegaano ka tirsan Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga DFS Jibriil Cabdirashiid iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Soomaaliland.
Dowladda Djibouti ayaa martigelineysa dadaaladan socda, iyadoo dhanka Soomaliland uu wadahadalka uga qeybgalayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Arintaan ayaa waxay ku soo aadaysaa ayadoo madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya uu sidaan oo kale sanadkii hore kula kulmay dalka Jabuuti madaxweynaha Soomaaliland.