Mucaaradka oo dalbaday kulan kale oo ay IEBC kala yeeshaan soo gudbinta soo-jeedinta wax-ka-beddelka sharciyada doorashooyinka

0
95

Maalmo kaddib markii ay ka baxeen kulan wadatashi ah oo ay la yeesheen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha (IEBC) oo ka dhacay Nairobi, mucaaradka ayaa dalbaday kulan labaad oo ay markan ku soo bandhigayaan dalabkooda, iyagoo doonaya in guddiga loo gudbiyo hindise-sharciyeed wax-ka-beddelaya sharciyada doorashooyinka.
Iyagoo IEBC ku dhaliilay inay iska indha-tirayso arrimaha ay soo bandhigayaan ka hor doorashada guud, hoggaamiyaha xisbiga Wiper, Kalonzo Musyoka, ayaa hoggaamiyeyaasha kale ee mucaaradka kala hadlay in guddoomiyaha guddiga, Erastus Ethekon, uu si degdeg ah tallaabo uga qaado arrimahaasi. Waxay sheegeen in wax-ka-beddellada la soo jeediyay ay dammaanad qaadi karaan doorasho lagu kalsoonaan karo.
Sida uu sheegay hoggaamiyaha xisbiga Democratic Party, Justin Muturi, waxyaabaha ay doonayaan in sharciga wax laga beddelo waxaa ka mid ah in natiijada kama dambaysta ah ee doorashada madaxweynaha lagu shaaciyo xarumaha tirinta codadka ee deegaan-doorashooyinka, iyo in dadweynaha saacad kasta ama saddexdii saacadoodba mar lala wadaago tirada dadka codeeyay maalinta doorashada.
Kalonzo ayaa intaas ku daray in Kenyanku aysan aqbali doonin in dalka muddo toddobaad ah lagu hayo xaalad aan caddayn, iyadoo lagu guda jiro tirinta codadka iyo gudbinta foomamka natiijooyinka doorashada.
Dalabaadka mucaaradka waxaa sidoo kale taageeray hoggaamiyaha xisbiga Party of National Unity, Peter Munya, oo ka qeyb galay adeegyo diimeed Axaddii ka dhacay kaniisadaha AIPCA iyo AIPCK ee Othaya, ismaamulka Nyeri.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sidoo kale dhaliilay hal-ku-dhegga cusub ee ololaha Madaxweyne William Ruto ee “Usawa ni Sawa”, iyagoo ku andacooday inuusan lahayn ujeeddo wanaagsan, isla markaana uu yahay jees-jees loo jeedinayo shacabka Kenya.