Militiriga Iiraan oo ka digay inay weeraro ku qaadi doonaan ciidamada Mareykanka

0
165

Milatariga Iiraan ayaa soo saaray bayaan ay kaga jawaabayaan go’aanka ka soo baxay madaxweyne Trump ee ah howlgal ciidan oo lagu hagayo maraakiibta ku xayiran marinka Hormuz.
Waxay sheegeen in amniga marinka biyaha “uu ku jiro gacanta ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan” waxayna sheegeen in tallaabo walba oo la qaadayo lala kaashado ciidamada qalabka sida”.
“Waxaan ilaalin doonnaa oo maamuli doonnaa amniga marinka Hormuz awooddeenna oo dhan, waxaana ku dhawaaqeynaa dhammaan maraakiibta ganacsiga iyo booyadaha inay ka fogaadaan wax kasta oo xadgudub ah iyagoo aan amar ka helin ciidamada qalabka sida ee ku sugan marinka Hormuz ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Iran .
“Waxaan ka digaynaa in ciidan shisheeye oo hubaysan, gaar ahaan ciidamada Mareykanka ee gardarrada wada la weerari doono haddii ay isku dayaan inay ku soo dhawaadaan oo ay soo galaan marinka Hormuz.