Militariga Myanmar iyo kooxo ka soo horjeeda oo xabbad joojin ku heshiiyey

0
258

Dowladda militariga ee dalka Myanmar iyo urur matalaya kooxaha hubeysan ee halkaasi ka dagaallamaya ayaa isku afgartay in ay xabbad joojin dhaqan gasho.
Tani ayaa timid ka dib wada hadallo nabadeed oo qabsoomay oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Shiinaha.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Mao Ning ayaa maanta sheegtay inay rajeynayaan in labada dhinac ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan heshiiska xabbad joojinta ee la gaaray.
Waxay intaasi ku dartay in militariga Myanmar iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda looga baahan yahay in ay si wayn isku xakameeyaan oo khilaafka ka dhexeya lagu dhameeyo wada hadal iyo wada tashi.
Arbacadii iyo Khamiistii ayay ahayd markii ay labada dhinac ee heshiiska xabbad joojinta ah la dhex dhigay ay wada hadallo ku yeesheen magaalada Kunming ee dalka Shiinaha oo qiyaastii 400 oo kiilomitir u jirta xadka Myanmar.
Mao ayaa intaasi ku dartay in militariga iyo kooxaha hubeysan ee Myanmar ay sidoo kale ballan qaadeen in aynan waxyeelleyn doonin shacabka Shiinaha ee xuduudda deggan.
Qiyaastii saddex sano ka hor ayay ahayd markii militariga Myanmar uu qaab afgembi ah kula wareegay hoggaanka wadankaasi waxaana tan iyo xilligaasi jiray iskudhacyo ciidamada kala dhexeeya kooxo qabaail matalaya oo hubeysan.