Miisaaniyadda sanadkan oo la soo bandhigi doono 13-ka June

0
209

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka Prof. Njuguna Ndung’u ayaa 13-ka bisha Lixaad ee sanadkan baarlamaanka ka hor akhrin doono bayaanka miisaaniyad sanadeedka 2024/2025-ka.
Ndung’u ayaa laga soo xigtay in uu faahfaahinta miisaaniyadeed u bandhigi doono golaha qaran ee xeer dejinta abaare 3-da galabnimo ee maalinkaasi.
Guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee baarlamaanka ayaa sheegay in qiimaha miisaaniyadda ee sanadkan uu yahay qiyaastii 4.25 Tiriliyoon oo shilin halka sanadkii hore uu ahaa 3.6 Tiriloyoon oo shilin.
Waxaa la filayaa in qoondada ugu badan ee dhaqaalahan la siiyo guddiga adeegga macallimiinta ee TSC, waaxyaha gaadiidka , guriyeynta , waxbarashada iyo amniga.