Waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ee EU-da ayaa ku heshiiyay in ay Ukraine siiyaan gargaar militari oo gaaraya 5 bilyan oo Euro una dhiganta 5.48 bilyan oo doolar.
Tani ayaa lagu tilmaamay mid si wayn u xoojinaysa iska caabinta Ukraine ee duullaanka Ruushka.
Waxaa heshiiskan gaaray danjireyaasha 27-da waddan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ka dib kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Brussels ee dalka Belgium ka dib muran muddo soo jiray.