Meydka qof maalmo la raadinayay oo laga helay webi ku yaalla Migori

0
387

Booliiska dalka ayaa xaqiijiyay in meydka Tom Osinde oo maalmihii ugu dambeeyay la raadinayay ka dib markii la waayay in laga helay webiga Kuja ee ismaamulka Migori.
Sarkaalkan ayaa horay uga shaqeynayay wasaaradda maaliyadda ee dalka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka la helay uu qurmay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii laamaha ammaanka ay soo heleen baabuur uu Osinde lahaa oo meel looga tagay waxaana gacanta lagu dhigay dhowr qof oo lala xiriirinaya dhacdadan.