Maxkamadda Xuquuqda aadanaha ee Afrika oo madax cusub dooratay

0
394

Garsoore dhalasha ahaan ka soo jeedo Mali oo lagu magacaabo Modibo Sacko ayaa loo doortay madaxweynaha maxkamadda xuquuqda aadanaha ee Afrika
Maxkamadda Afrika ee Xuquuqda Aadanaha (AfCHPR) ayaa si aqlabiyad leh ugu dooratay inuu noqdo madaxweynaha Modibo Sacko, kaasoo beddelaya garsooraha Tanzania Imani Daud Aboud, oo waqtigeeda dhammaaday Isniintii.
Guddiga Garsoorayaasha oo ka kooban 11 xubnood ayaa si isku mid ah u doortay Marwada Garsoore Bensaoula Chafika ee ka soo jeedo Aljeeriya si ay u beddesho Garsoore Sacko oo ahaa Madaxweyne ku xigeenka, iyadoo labadaba lagu dhawaaqay Talaadadii intii lagu jiray Kalfadhigii 77aad ee Caadiga ahaa ee lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Hadalkiisa aqbalaada, Garsoore Sacko ayaa waxaa uu ku nuuxnuuxsaday sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Maxkamadda Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah si loo xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee qaaradda oo dhan.
Waxaa kale oo uu ballan qaaday in uu xiriir adag la samayn doono madaxda qaranka iyo nidaamka garsoorka si kor loogu qaado isla-xisaabtanka, gelitaanka iyo saamaynta maxkamadda.
Dhankeeda, Garsoore Aboud oo xilka ka degaysa ayaa muujisay sida ay ugu han weyn tahay muddadii ay xilka haysay, iyadoo xustay tillaabooyinka ay Maxkamadda Afrika ka samaysay horumarinta caddaaladda iyo xuquuqda aadanaha ee qaaradda oo dhan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa ay qiratay in caqabado waaweyn ay weli jiraan, gaar ahaan sidii taageero xooggan looga heli lahaa dalalka xubnaha ka ah ururka.
AfCHPR ayaa waxaa loo aasaasay si loo ilaaliyo loona hormariyo xuquuqda aadanaha iyo dadyowga Afrika oo dhan, si waafaqsan Axdiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha.
Maxkamadda ayaa lagu sameeyay hab-maamuus la qaatay 1998-kii, waxaana ay shaqa bilawday 2006-dii, fadhigeeduna waxaa uu ku yaallaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania.