Maxkamadda Milimani ee ismaamulka Nairobi ayaa lagu wadaa in ay maanta go’aan ka soo saarto tallaabada ay dowladdu ku howlgelisay ciidamada difaaca waddanka si ay booliiska garab ugu siiyaan la tacaalidad mudaaharaadyada.
Tani ayaa timid ka dib markii ururka qareennada dalka ee LSK uu maxkamadda dacwad u gudbiyay.
LSK ayaa doonaysa in dowladda laga hor istaago in ay qorshaheeda ku tallaaba qaaddo wuxuuna ururkan cuskanaya qaladaad dhanka habraaca ah.
Shalay subax ayay ahayd markii baarlamaanka dalka uu ansixiyay howlgelinta ciidamada militariga.
Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan jirin sabab la xiriirta mudaaharaadyada oo degdeg ah taasi oo keenaysa in ciidamada gaashaandhigga oo ay shaqadoodu tahay in ay qaranka ka difaacaan khatarta dibadda loo adeegsado howl maxalli ah .
Garsooraha maxkamadda sare Lawrence Mugambi oo dacwadda LSK ku tilmaamay mid degdeg ah ayaa xusay in maanta la go’aamin doono.