Maxkamadda sare ee dalka ayaa ku amartay madaxa dhanka kala dambeynta ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ahna xildhibaanka deegaanka Bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad inuu magdhow dhan 6 milyan oo shilin siiyo mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Nyali ee dowlad deegaanka Mombasa Maxamad Cali (Jicho Pevu).
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib markii uu mudanaha deegaanka Nyali uu gudbiyay dacwad ka dhan ah Junet Maxamad.
Waxaa uu Maxamad Cali ku andacooday in xildhibaanka Bariga Suna uu meel meel uga dhacay sumcaddiisa.
Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay Junet inuu bixiyo dhammaan qarashaadka uu Cali galay intii ay dacwaddu socotay.
Waxay maxkamadda sare xustay in Junet uu sanadkii 2022-kii soo dhigay bartiisa X ee horay la oran jiray Twitter, faallooyin foolxun oo uu ku qoray magaca ‘Jicho Pevu’ oo uu ula dan lahaa mudanaha Nyali, isagoo sheegay ‘inuu yahay munaafiqiin sheeganaya diinta Islaamka’ arrinkaas oo uu Maxamad Cali ku andacooday in ay sumcaddiisa iyo caqiidada Islaamka wax u dhimayso.