Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qaybta maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta xukun qisaas ah ku fulisay Dable xoogga dalka Cabdikaafi Cali Cabdulle iyo Iidle Cumar Idiris oo Guutada 18-aad ee Gorgor ka tirsanaa.
Cabdikaafi ayaa horay u dilay Cadnaan Cali Salaad, halka Iidle Cumar sidoo kale lagu helay dilka Bilan Xaashi Salaad, sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta Galmudug.
Qisaasta ayaa raggan maanta lagula fuliyay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.
Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidan oo kale xukunno dil ah ugu fulisay askar dilal u gaystay dad shacab ahaa iyo kuwa kale oo dhexdooda is rasaaseeyay.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale muddooyinkii dambe kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday, taasi oo aad loo soo dhaweeyay.
Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal gaysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.
Home Wararka Soomaaliya Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo dil toogasho ah lagu fuliyay...