Maxkamadda sare ee dalka oo amar dul dhigtay ciidamada Booliska

0
441

Maxkamadda sare ee dalka ayaa amartay maanta in askarta booliska ah ee la geeyo goobaha ay ka dhacayaan mudaaharaadyada ay mar walba wataan dareyska ciidanka oo aysan wajiyadooda qarin.
Amarkan ayaa daba socda kiis ay gudbiyeen ururka qareenada ee Kenya (LSK)ka dib markii ay ku dacweeyeen sarkaal lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka Rex Masai oo ka qeyb galayay dibadbaxyadii dhalinyarada Gen Z ee sanadkii hore.
Maxkmadda ayaa laga codsaday in taliyaha guud ee ciidamada Booliska ay ka hor istaagto inuu hawlgaliyo askar xiran dhar rayid ah si ay u xakameeyaan mudaaharaadyada.
Lsk ayaa sheegtay in dhammaan kiisaska dilka iyo naxariis-darrada bilaysku lagu eedeeyay ay xiriir la leeyihiin askarta aan haysan kaararka aqoonsiga ama dirayska.
Maxkamadda ayaa loo sheegay in saraakiisha ammaanka ay ku dhex milmaan dibadbaxayaasha si nabad ah u gudanaya xuquuqdooda sida uu dhigayo qodobka 37-aad ee dastuurka Kenya.