Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda dalka ay maanta go’aan ka soo saarto tallaabadii uu madaxweynaha dalka William Ruto ku soo magacaabay xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha ee (CAS) oo gaaraya 50.
Ruto ayaa saraakiishan magacaabay 22-kii bishii Saddexaad ee sanadkan ka dib markii baarlamaanka uu sheegay inuunan awood dastuuri ah u lahayn inuu shakhsiyaadkan turxaan bixiyo.
Hasa ahaate maxkamadda sare ee dalka ayaa 24-kii Maarso xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha ka hor istaagtay inay xafiisyada la wareegaan oo ay shaqooyinkooda billaabaan ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dhageysiga oo go’aan laga soo saaraya dacwad ay gudbiyeen ururka qareennada dalka ee
(LSK) iyo machadka arrimaha sharciga ee Katiba Institute.
Garsoore Hedwig Ong’undi ayaa sidoo kale xoghayeyaasha ka hor istaagtay inay qaataan mushaar, gunnooyin ama macaash kale ilaa iyo inta kiiskan laga soo afjaraya.
Maanta ayaa la filayaa inay maxkamadda dalka go’aan kama dambeys ah arrinkan ka soo saarto.