Maxkamadda deegaanka oo fasaxday in dalka la soo geliyo GMO

0
272

Maxkamadda qaabilsan arrimaha deegaanka ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad looga soo horjeeday in wadanka la soo geliyo dalagga lagu soo saaro siyaabaha casriga ee loo yaqaano (GMOs).
Waxay maxkamaddu sheegtay in aynan jirin caddeyn loo cuskan karo in dowladda ay baal martay xeerarka u degsan dalagyadan.
Sidoo kale waxay maxkamaddu kenyaanka ku boorriyay inay ku kalsoonaadaan hay’adaha dowliga ah maadaama aynan dejinayn xeerar shacabka waxyeello gaarsiinaya.
Garsoore Oscar Angote ayaa sheegay in dadweynaha laga qayb geliyay qorshaha dalka dibadiisa looga keenaya dalagyada casriga ee GMOs.