Mas’uuliyiin ka tirsan Garissa oo maanta maxkamad la soo taagi doona

0
218

Wakiil ka tirsan Golaha Deegaanka Garissa iyo laba mas’uul oo hore uga tirsanaan jiray dowlad deegaankaas ayaa maanta (Isniin) lagu wadaa in maxkamad la soo taago iyagoo lagu soo oogay dacwado la xiriira musuqmaasuq.
Sida laga soo xigtay Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (EACC), saddexdan qof ayaa wajihi doona dacwado ku saabsan lacago been abuur ah oo dhan Ksh 51.4 milyan.
Saddexda masuul oo kala ahaa; Cabdi Ibraahim Daar oo laga soo doortay Balambala Ward, Maxamuud Dubow Korane – Agaasimihii hore, Adeegga Xisaabaadka, Dowlad goboleedka Gaarisa iyo Yuusuf Bethe Cali – oo horey u ahaan jiray maamule sare oo dhanka dhaqaalaha u qaabilsanaa Gaarisa ayaa waxaa xiray saraakiisha EACC 22-kii bishan Febraayo oo shalay ku beegndeed.
Saddexdaasi qof ayaa maanta la qorsheeyay in la horkeeno Maxkamada Sharciga ee Gaarisa si dacwad loogu qaado.