Mas’uul Iiraani ah oo sheegay in weli ay jiraan khilaafaad aasaasi ah oo ku saabsan arrinta nukliyeerka

0
127

Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in inkastoo horumar laga gaaray wada hadallada u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, ay weli jiraan khilaafaad aasaasi ah oo ku saabsan arrinta nukliyeerka.
Mas’uulka ayaa xusay in arrimo dhowr ah weli aan la isku afgaran, gaar ahaan mustaqbalka yuraniyaamka si heer sare ah loo sifeeyay iyo muddada xayiraadaha nukliyeerka ee la saarayo Iiraan.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in booqasho uu dhawaan ku tegay Tehran taliyaha ciidamada Pakistan ay ka caawisay yareynta qaar ka mid ah kala duwanaanshaha, balse weli aysan jirin heshiis buuxa oo laga gaaray qodobada muhiimka ah.