Mareykanka oo duqeymo uu ku tilmaamay kuwo is-difaac ah ka fuliyay bartilmaameedyo Iiraan ku leedahay marin-biyoodka Hormuz

0
64

Mareykanka ayaa duqeymo uu ku tilmaamay kuwo is-difaac ah ka fuliyay bartilmaameedyo ay Iiraan ku leedahay marin-biyoodka Hormuz, sida uu sheegay mas’uul Mareykan ah, kadib warar sheegaya in qaraxyo laga maqlay Jasiiradda Qeshm ee dalka Iiraan.
Duqeymaha ayaa lagu beegsaday ciidamada Iiraan oo adeegsanayay gantaallada hawada lagaga difaaco weerarrada si ay u bartilmaameedsadaan hantida milatari ee Mareykanka. Arrintan waxaa wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) u sheegay mas’uul Mareykan ah oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, Isniintii.
Telefishinka dowladda Iiraan ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay Jasiiradda Qeshm, oo ku taalla afka laga galo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP, tallaabada milatari ee Mareykanka waxay u muuqatay mid xaddidan, halkii ay ka ahaan lahayd dib ugu laabasho buuxda oo dagaal iyo iska horimaad hubeysan ah.