Dowladda Maraykanka ayaa si kulul u canbaareysay rabshadaha isa soo taraya ee ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC.
Xukuumadda Washington ayaa dhacdooyinkan la xiriirisay koox hubeysan oo ay Rwanda ku eedeysay in ay taageero siiso.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Bariga DRC dib uga billowday dagaallada u dhexeeya fallaagada M23 iyo ciidamada militariga ee dowladda dalkaasi.
Waxaa isku dhacyada lagu dilay dhowr qof oo isugu jiro ciidamo iyo shacab halka kuwo kalena la dhaawacay.
Sidoo kale waxaa dagaallada ku barakacay kumanaan qof oo rayid ah oo u qaxay bariga magaalada Goma oo ku taalla meel u dhexeysa Harada Kivu iyo xadka Congo ay la wadaagto Rwanda.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa bayaan ku sheegay in rabshadaha ay sababeen in ay khatar sare wajahaan malaayiin ruux oo loo gaysanaya tacaddi ka dhan ah xuquuqul aadanaha sida barakicin iyo bartilmaameedsi.
Maraykanka ayaa dhanka kale dowladda Rwanda ka dalbaday in ay si degdeg ah ciidamadeeda uga saarto DRC oo ay joojiso adeegsiga gantaallada halis gelinaya nolosha shacabka , shaqaalaha gargaarka , duullimaadyada ganacsi iyo howlwadeennada nabad sugidda ee qaramada midoobay iyo ururrada kale.