Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in aan loo baahnayn dib u dhac dheeraad ah ama qiil raadsasho la xiriirta in la gaaro heshiis ay xabbad joojin uga dhaqangalaysa Qaza.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu tagay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.
Waxaa uu Blinken xusay in sababta keliya ee ay ku suurtageli karto in aan is-afgarad la gaarin ay tahay in ururka Xamaas uu ku gacan seyro soo jeedinta loo bandhigay.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ay sheegeen in Xamaas laga codsaday in ay oggolaato heshiis xabbad joojin oo ah 40 cishe.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegaya in ciidamadiisa ay gudaha u geli doonaan magaalada Koonfureed ee Rafah xita haddii xabbad joojin lagula heshiiyo Xamaas.




